Hay’adda maadinta carruurtu waa inay carruurta, dhallinyarada iyo qoysaska siiso caawimo iyo taageero marka xaaladda gurigu adagtahay ama ilmuhu sababo kale dartood u baahanyahay in maadinta carruurtu caawiso (tusaale ahaan dhibbaatooyin habdhaqan, maandooriye). Waalidka ayaa ka masuul ah inay carruurtooda siiyaan daryeel. Laakiin haddii ay waalidka ku adkaato ama dhibbaato haysato, waa in hay’adda maadinta carruurtu caawiso si carruurta iyo dhallinyaradu u helaan daryeelka ay u baahanyihiin. Hay’adda maadinta carruurtu waa in ay ilaaliso in carruurta iyo dhallinyarada ku dhex nool xaalad dhaawac ku keeni karta caafimaadkooda iyo horumarkooda, ay xilli sax ah helaan caawimo iyo daryeel, kana qaybqaadato in carruurta iyo dhallinyaradu helaan korniin sugan

7 s., utgitt av Barne-, ungdoms- og familiedirektoratet i 2015.